Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo qorsheeynaysa tallaabo diblomaasiyeed oo ‘ka yaabin doonta’ Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Kenya oo tan iyo bartamihii bishii tagtay ee Febraayo samaynaysay galaangal diblomaasiyadeed kaddib markii ay si iskeed ah u abuurtay wax ay ku sheegtay ”muran kala dhexeeya” Somalia oo khuseeynaya dhul badeedka Somalia, kaasoo ay doonayso in si qoor qabad ah loogu dhameeyo qaab xeer jajab ah.

War hoose oo ka helnay ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegaya inay dhici karto in maalmaha yar ee xiga, gaar ahaan wixii loo gaaro 9-ka Maarso ay Kenya ku dhaqaaqdo tillaabooyin diblomaasiyadeed oo ay cadaadis ku saarayso Somalia.

MAXAA KA MID AH?

Ilaha aannu wararkan ka helnay ayaa noo sheegay in laftoodu ay ”la yaabban yihiin” tillaabooyinkaa diblomaasiyadeed, balse aanay wada faafin karin xogahaasi, balse qaarkood ay noqon karaan kuwo amaan oo lagu xoojinayo ololaha diblomaasiyadeed ee Kenya, sida ay inay ciidamadeeda qaar kala baxdo gobolka Gedo, si ay cadaadis amaan u saarto Somalia, waloow inta badan aadba loo dhaliilo waxtarka ciidamada KDF ee Kenya ka jooga Jubbaland guud ahaanba.

Qodobbada kale waxaa ka mid noqon kara culays la saaro Soomaalida ku dhaqan Kenya sida qaxootiga halkaa ku sugan oo ay Kenya muddaba ku gorgortamaysay iyo adkaynta isu socodka laba dal, iyo tillaabooyin ay u qaadayso dhanka kala qaybinta Soomaalida, sida adeegsiga kaarar qabiil, maamulka Jubbaland oo ay ka taakayso DF Somalia iwm.

Waxaa kale oo kaararka diblomaasiyadeed ee Kenya ka mid ah inay ku dhawaaqdo ”aqoonsiga” Somaliland, waloow aysan taasi siyaasad ahaan yeelanaynin culays diblomaasiyadeed oo sidaa u buuran, maadaama ay arrintaasi u rahman tahay Soomaalida iyo Midowga Afrika.

Wararka aannu helnay ayaa sidoo kale sheegaya in Britain ay si dadban ula safan tahay Kenya, waxaa sidoo kale jira warar eedda wax ka saaraya dalka Imaaraadka oo uu laftiisa Ingiriisku isticmaali karo, balse aanay weli si toos ah usoo istaagin masraxa, waxaana jawaab ka hor tag iyo rogaal celis ahba laga filayaa DF Somalia oo arrimahan ka war haysa.

ROGAAL CELIN DIBLOMAASIYADEED

Madaxwaynaha Somalia ayaa lagu wadaa inuu dhaqse u booqdo Addis Abeba, iyadoo ay dhici karto inuu berriba halkaa u amba boxo si uu galaangal ula sameeyo ururrada heerka gobol, qaaradeed iyo xitaa madaxda DF Itoobiya.

Kenya ayaa maalin dhowayd dhankeeda waraaqo u kala dirtay ururrada QM iyo Midowga Afrika oo ay wakiilladooda kula kulantay Nairobi, iyadoo sheegtay inay u gudbisey ashtako ka dhan ah Somalia oo dhankeeda looga baahan yahay inay la timaado siyaasad bisil oo cuntami karta si ay gayigeeda u difaacatana abaabul umadeed oo wanaagsan ku khasban.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji
Hadalsame Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this