Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo war cusub kasoo saartay khilaafka Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale ku gacan seertay dalabka dowladda Kenya ay ku dooneyso in wada-xaajood lagu dhammeeyo khilaafka labada dal ee ka dhashay badda Soomaaliya ee Kenya ay sheegatay.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo arrintan ka ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya weli ku adkeysaneyso go’aankeedii hore, isla markaana lagu kala bixi doono maxkamada caalamiga ah ee cadaaladda ee ICJ.

Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan marnaba wadahadal ka galeyn arrinta badda, hase yeeshee uusan saameyn ku yeelaneyn khilaafka jira xiriirkii iskaashi ee ka dhaxeeyey labada dowladood.

Hadalka Mahad ayaa niyadjab kale ku ah dowladda Kenya, oo dhowaan wasiirkeeda arrimaha dibedda, Monica Juma ay sheegtay in Kenya ay diyaar u tahay inay wada-xaajood la gasho dowladda Soomaaliya, si arrintan xal looga gaaro.

“Waxaa naga go’an in xiisaddan lagu xaliyo wada-hadal, waxaana ku rajo weynahay in xal la heli doono oo walaalaheen derisk nala ah iyo annaga aan is-fahmi doonno” ayey tiri Monica.

Kenya ayaa dadaal xooggan ugu jirta in laga laabto kiiska dacwada badda Soomaaliya ee yaalla maxkamadda caalamiga ah ee cadadaaladda ee magaalada Hague, laguna dhameeyo wada-hadal, hase yeeshee waxaa muuqata in dowladda Soomaaliya aysan arrintaas ka dhaadhaceyn.

Wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, ayaa dhowaan warbixin ku saabsan “muranka badda” ee kala dhaxeeysa Soomaaliya, kuna xoojineyso dooddeeda u gudbisay qaar ka mid ah dalalka xubnaha QM iyo Golaha Ammaanka Midowga Afrika.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this