Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Hoggaanka ciidanka xoogga dalka oo qaarkood is-beddel lagu sameeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah hoggaanka ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa is-beddel lagu sameeyey, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Sida aan xogta ku helnay, waxaa la beddelay hoggaankii ciidamada ee saddex qeyb ee kala ah, infentiriga, saadka iyo maaliyadda, waxaana loo dhiibay hoggaan cusub oo dhammaantood ah saraakiil dhallinyaro ah.

Saddexdan hoggaan cusub, oo sababo amni dartood na laga codsaday inaan magacyadooda shaacin inta ay si buuxda hoggaanka ugala wareegayaan, ayaa ah dhallinyaro kasoo qalin jebisay akadeemiyaha ciidamada ee dalka Turkiga.

Waxaa sida aan xogta ku helnay lagu doortay nidaam furan oo tartan loo galay ayada oo la eegayo aqoontooda, waxaana la sheegay in si aad loola dhacay wareysi lala yeeshay oo uu goobjoog ka ahaa ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Jeneraal Daahir Indha-Qarshe ayaa wararku sheegayaan inuu aad uga hor-yimid go’anakan dhallinyaradan xilalka loogu magacaabay, waxaane jira khilaaf ka dhex ooggan isaga iyo ra’iisul wasaaraha.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in sidoo kale laga yaabo in Indha-Qarshe naftigiisa laga yaabo in la beddelo, inkasta oo aysan caddeyn goorta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this