Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaal Sare Oo Ka Tirsanaa Ciidammada Millatariga Somaliland Oo Xalay Lagu Dilay Degmada Yagoori Ee Gobolka Sool Iyo Cidda Dishay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Sarkaal Guutada 7aad Ee Ciidanka Qaranka Somaliland Ee Gobolka Sool Ka Tirsanaa Oo xalay Fiidkii Toogasho Lagu Dilay Iyo Xildhibaan Budeeye Oo Ka Hadlay Cidda Dilka Geysatay

ALLE haw Naxariisto ee waxa Dil Toogasho ah oo sida la sheegay Askari Ciidanka Milatariga ka tirsani kudilay Sarkaal Cabdirashiid Cabdilaahi Xasan (Dhego-Weel) oo derajadiisuna ahayd KABTAN ka tirsanaa guutadda 7aad ee Ciidanka Qaranka Somaliland gaar ahaan Gobolka Sool, waxaana warka dilka Sarkaalkani la xidhiidha ay xaqiijinayaan in uu baxsaday Askarigii Milatariga Somaliland ka tirsanaa ee Toogashadda ku dilay Sarkaalkani.

Xildhibaan Cabdixakiin Cumar Faarax (Budeeye) oo ah mudane golaha guurtidda ee Somaliland ugu jiraGobolka Sool, ayaa isaga oo ku sugan magaaladda Wedh-Widh ee gobolka Buuhoodle la soo xidhiidhay Wargeyska Saxansaxo, ayaa xaqiijiyey isla markaana tacsiyeeyey Saraal magaciisu yahay Marxuun Cabdirashiid Cabdilaahi Xasan kana tirsanaa guutadda 7aad ee Gobolka Sool ee Ciidanka Qaranka Somaliland kaasi oo sida xidhibaanku cadeeyey uu sheegay in uu sarkaalkani toogasho ku dilay Askari isla Ciidanka Milatariga ka tirsanaa, waxaana dilku ka dhacay Deegaanka YOGORI oo ilaa 60KM Waqooyi ka xiga magaaladda Laascaanood.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this