Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Safar Deg-Deg Ah Ku Tagaya Magaalada Addis Ababa Ee Dalka Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maalinta berri ah ku wajahan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Farmaajo-safar.jpg

Socdaalka Madaxweyne Farmaajo oo ah mid deg-deg ah ayaa ku saabsan arrimaha ka soo cusboonaaday Gobolka Geeska Afrika, iyadoo uu la kulmi doono Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Waxaa shaki la gelinayaa in dowladda Kenya ay waddo qorshayaal ay ku dooneyso inay ku wiiqdo Isbaheysiga Saddex geesoodka ee ka dhex sameysmay Ethiopia, Eritrea iyo Soomaaliya.

Loolanka Istiraatiijiyadeed ee Gobolka ayaa soo xoogeysanayay sannadihii u dambeeyay, waxaana socday qorshayaal uu waday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo ahaa Iskaashi iyo Is dhex gal dalalka Gobolka Geeska Afrika.

Kenya oo xilligan Xiisad diblonaasiyadeed ka dhaxeyo Soomaaliya ayaa durba ku soo baraarugtay is-bedelka ka socda Gobolka iyo Isbaheysiga ka dhex sameysay Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya.

Shir saddex geesood ah ayaa shalay magaalada Asmara ku dhex maray Madaxda dalalka Eritrea, Itoobiya iyo Kenya, Isbaheysigan cusub ee saddexdan dal loo arkaa culeys kale oo diblomaasiyadeed uu soo wajahay Soomaaliya, maadaama ay ka maqan tahay, waxaana wararka qaar sheegayaan in Soomaaliya ay guul-darro weyn u tahay kulankaa shalay sababo dhinaca dublamaasiyada ah awgeed.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this