Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga WADDANI Oo Dacweeyay Mas’uul Ka Qayb-galay Shirkii KULMIYE Ee Ka Dhacay Magaalada Boorama

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Warsaxaafadeed ka soo baxay xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo lagu socodsiiyay Guddida Caddaaladda Somaliland ayaa lagu dalbaday in tallaabo laga qaado ku xigeenka xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka.


Qoraalka ayaa u dhigna sidan:-


Xisbiga WADDANI mudnaantiisa koowaad waxay tahay sinnaan iyo caddaalad ay bulsho weynta Somaliland ku naalooto iyo sarreynta sharciga.
Wuxu xisbiga WADDANI 27/2/2019 si adag uga hadlay gefkii weyna ee xisbiga Kulmiye kula kacay haybadda hay’addaha Qaranka ee ay ka mid ahayd hay’adda garsoorka dalka iyada oo shirkii kulmiye lagu dhex arkay Xeer-ilaaliye kuxigeenka Qaranka oo ku jeeni qaaran astaanta xisbiga kulmiye iyo koofiyadiisa dhexdana ugu jira xubnihii golaha dhexe ee xisbiga. Waxaanu xisbi ahaan filaynay iney Guddida Caddaaladdu ka qaaddo tallaabo sharciga waafaqsan ciqaabta sharci ee uu mutaystana la mariyo.


Sida ku cad qodobka 99-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, hay’adda garsoorku waxay ka kooban tahay maxkamadaha iyo xeer-ilaalinta. Garsoorka waxa ka reeban in ay ka mid noqdaan, u ololeeyaan ama si uun ugu sifoobaan dhinac saar xisbi ama la safasho xisbi gaar ah oo siyaasadeed. Sida ku cad qodobka 14-aad ee Xeerka Nidaamka Ururada iyo Asxaabta Siyaasadda (Xeer Lr. 14/2011) waa ka mamnuuc in garsoorku ka mid noqdo xisbi siyaasadeed ama si uun ugu lug yeesho xisbi siyaasadeed sida ku cad farqadda 3-aad ee qodobka 14-aad ee Xeer Lr.14/2011.

Haddaba sida aad la wada socotaan, waxa ka qayb galay shirkii Golaha Dhexe ee xisbiga Kulmiye dad aan sharcigu u ogolayn oo uu ka mid yahay Axmed Cismaan Mire, ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud, oo isaga oo ku jeeni qaaran astaanta xisbiga Kulmiye islamarkaana xidhan koofiyad ay ku xardhan tahay astaan xisbiga Kulmiye dhex fadhiyay oo ka qayb qaatay shirkii Golaha Dhexe. Falkaas oo sida sare ku cad ka soo horjeedda Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo xeerarka dalka, kuna ah xagal daacis iyo mijo xaabin madax-bannaanida garsoorka oo ay tahay inuu dhex u noqdo xisbiyada iyo shacabka dalka Somaliland ku nool oo dhan iyada oo aan la eegayn xisbiga ay ka tirsan yihiin ama ay taageeraan.


Aamuska Guddida Caddaaladdu aanay wax tallaabo ah ka qaaddin falkaas xadgudubka culus ahi wuxuu tuhun weyn ku keenayaa in sharci darrada xeer-ilaalintu ku kacday ay tahay gardarro garab og iyo badheedh.

Haddaba, Xisbigga WADDANI wuxuu u arka falalkan iska daba yimid in ay ka soo horjeedaan madax-bannaanida iyo dhex-dhexaadnimada looga baahan yahay garsoorka ee uu waajibiyay Dastuurku, ayna wiiqayaan kalsooni kasta oo lagu qabi lahaa garsoorka, mar hadiiba ay xubnihiisa qaar ka mid ahi aanay qarsan ka mid noqoshada iyo garab istaagga xisbiga Kulmiye.


Haddii tallaabo sharciga waafaqsan Guddida Caddaaladda ee guddoomiye u yahay guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL ka qaaddi waydo Ninkaas xeerkii dalka iyo Dastuurkiiba ku gefay bahdilkana u gaystay haybaddii garsoorka Xisbi ahaan waxaanu dadkayaga iyo Dunidaba farriin dheer ugu dirayna in uu garsoorku noqon doono waax ka mid ah xisbiga kulmiye kalsoonidiisuna meesha ka bixi doonto.

Alla Mahad leh
Af-hayeenka Xisbiga WADDANI
Garyaqaan: Barkhad Jamaac Batuun

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this