Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal Degaano Ka Tirsan Gobolka Sool Ku Dhexmaray Ciidammada Qaranka Somaliland Iyo Jabhad Hubaysan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Laascaanood)-Wararka naga soo gaadhaya degaanka Gambadhe ee gobolka Sool, ayaa sheegaya in saaka halkaasi uu dagaal ku dhex-maray ciidammada millatariga Somaliland iyo Maleeshiyaadka uu hoggaamiyo Col. Faysal Falaalug.

Goobjoogayaal ku sugan tuulada Gambadhe, oo qiyaastii 30km dhanka koonfur bari ka xigta magaalada Laascaanood, ayaa sheegay in dagaal uu bilowday, kadib markii Maleeshiyaadka jidgoyn u galeen Ciidamo ka tirsan millatariga Somaliland oo marayay nawaaxiga Gambadhe.

Dagaalkaas dhex-maray labada dhinac ayaan illaa hadda la xaqiijin khasaaraha uu sababay, Ilaa hadda labada dhinac midkoodna ma xaqiijin, kamana hada dagaalkaasl.

Wararka waxa ay intaa ka durayaan in hadda xaaladu ay degan tahay ciidammada Somaliland ay haw-galo ka wadaan deegaanadaasi.


Wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco Somalilandtoday

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this