Sign in to follow this  
Deeq A.

Askari hal dollar u dilay darawal & mid kale oo toogasho ku dilay haweeney naafo ahayd Maanta

Recommended Posts

Deeq A.   

Askari hal dollar u dilay darawal & mid kale oo toogasho ku dilay haweeney naafo ahayd Maanta

 dil.jpg

Askari ka tirsan biidamada Booliiska Soomaaliya, ayaa maanta toogasho ku dilay mid kamid ah darawaliinta kaxeeya gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano Homey kadib markii uu rasaas ku furay darawalka oo ay lacag ku murmeen.

Alle ha u naxariistee Marxuumka la dilay oo dad ka soo qaaday degmada Wanla-wayn ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa ku soo wajahnaa magaalada Muqdisho, waxa uuna dilka ka dhacay degaanka Siinka Dheere ee duleedka Muqdisho.

Qaar kamid ah dadkii saarnaa gaadhiga ayaa sheegay in askariga uu 1$ weydiistay darawalka, markii uu ka dhaga-adeegayna uu toogasho ku dilay kadibna uu ka cararay.

 

Dhinaca kale, Mid kamid ah ilaalada hoteelka Shaamow ee magaalada Muqdisho ayaa maanta toogasho ku dilay Haweeney Naafo ah oo ku sugnayd meel u dhaw hoteelka kadib markii la sheegay in ay maqli wayday amar uu siiyay oo ahaa in aysan u soo dhawaanin Albaabka hoteelka.

Haweeneyda la dilay oo lugaha Naafo ah iyo meelo kale oo Xubnaha jirkeeda ah ayaa la sheegay in ay katirsaneed dad kale oo shacab ah kuwaas oo meel hoteelka u dhaw u doontay lacag ay bixineysay hey’ad Gar-gaar ah.

Dadkii ku sugnaa hoteelka Shaamow ayaa Warbaahinta u sheegay in Askariga dilka fuliyay uu ka cararay halkii uu wax ku dilay waxaana la joojiyay lacagtii ay bixineysay hey’ad halkaasi dagan.

Xubno katirsan hey’adda WFP oo lacagta bixineysay ayaa warbaahinta u sheegay in Haweeneyda la dilay ay ka go’nayd mid kamid ah lugaheeda sidoo kalane ay ka xanuunsaneysay meelo kale oo jirkeeda kamid ah.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo badanaya dhacdooyinkii xanuunka badan oo saameenta ku reeba shacabka

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this