Sign in to follow this  
Deeq A.

Amb.Axmed Safiina oo soo bandhigay Ihaanooyinka Qaran & Gal-daloolooyinka ka muuqda Salaanta Qaran ee Muuse Biixi qaato

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida waa madaxwaynaha qaranka, hadaad tahay askari ciidan waxa waajib kugu ah inaad salaan ciidan ku salaanto madaxwaynah dalka.

Waxa ihaano qaran ah in askari dirays xidhan darajada uu doono hasito in uu ku salaamo madaxwaynaha salaanta madaniga ah. Ciqaab teeduna waa in isla goobta uu madaxwaynuhu kaga qaada hal darajo oo ah xidig iyo anshax marinta curfi ciqaabeedka u yaala ciidanka.

Mudane madaxwayne saraakhii-shan midba siduu doono kuu salaamay iyo qaabkay doonaan u soo kala horeeya iyagaa u baahan tababar cusub iyo dhaqan celin ciidan, adna waxaad u baahan tahay in sifiican lagu baro haybada madaxwayne nimo eed huwan tahay, hadaad aqoon u leedahay may ahayn inaad gudoonto salaan qaldan.

Waxa qurux badan in Taliye Nuux taani saraakiishaa anshax marin ciidan ku qaado. Waxa mahad celin mudan Taliyaha Ciidamada dab-damiska Sareeye Guuto Axmed xasan sawaaxili oo isagu salaanta ciidan siwacan u gutay iyo qaar kamida saraakiisha ka dambay-say.

Arintani maaha arin ciidan ee waa curfiga protocol madaxwayne ee kala duwanaan shaha salaan shacab iyo salaan ciidan. Halkana waxaan ku sharaxay oo kaliya salaanta ciidan, salaanta madaniga ayaa ka tiro badan oo ka ciqaab badan.

Halkan ka daawo Muqaal Tusaale  & taageero u ah Qoraalkan:-

Amb Ahmed Safiina
X/X/D/C/I/W/I/ ee Xisbiga WADDANI

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this