Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirweynaha Qaran Ee Haweenka Oo Ka Furmay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shirweynaha qaran ee Haweenka Soomaaliyeed, kaasi oo a soo qaban-qaabisay wasaaradda haweenka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Furitaanka shirkan waxaa ka qeybgalay xildhibaanno, wasiirro, duqa Muqdisho, xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka, wasaaradaha haweenka ee dowlad goboleedyada iyo xubno mataleysay beesha caalamka.

Ulajeedka shirkan ayaa ah sidii loo abuuri lahaa isbahaysi ilaaliya xuquuqda haweenka, iyadoo xusid ay mudan tahay in shirkan la furay xilli uu jiro khilaaf ka dhaxeeya haweenka qaranka.

Haweenka qaranka ayaa sameystay Labo guddoomiye, taas oo ka dhigay iney Labo garab noqdeen, waxaana shirkan ka qeybgaleyn guddoomiye Batuulo Sheekh Axmed oo shalay sheegtay in shirkan lagu burburinayo ururada ay leeyihiin haweenka Soomaaliyeed.

001.png 002.png 003.png 004.png

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this