Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Khadiijo Diiriye “Looma Dulqaadan Karo Labadii Gole Ee Baarlamaanka Oo Aan Shaqo Wadaag Ahayn” (Dhageyso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa codsatay in la xalliyo tabashada ka dhex jirta Labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah.

Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye oo hadal ka jeedisay shirweynaha Qaran ee Haweenka Soomaaliyeed ayaa waxay sheegtay inaan loo dulqaadan karin wadashaqeyn la’aanta golaha shacabka iyo aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliy.

Waxa ay sheegtay wasiir Khadiijo in ay jiraan sharciyo aad u muhiim ah oo loo baahan yahay in la meelmariyo qaarkoodna ay ku xayiran yihiin golaha aqalka sare.

Sidoo kale, Khadiijo ayaa xustay muhiimadda ay leedahay in la xalliyo tabashada jirta.

Halkaan hoose ka dhageyso:

https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/WASIIR-KHADIIJO-DIIRIYE.mp3

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this