Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal xoogan oo ka dhacay gobolka Sool

Recommended Posts

Deeq A.   

Laascaanood (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Dagaalka oo muddo saacado ah qaatay ayaa waxa uu u dhexeeyay ciidamada maamulka Somaliland iyo kuwa jabhadda SSC oo ku xoogan halkaasi.

Waxaana dagaalku uu yimid, kadib markii jabhaddani ay weerar gaadma ah ku qaaday kolonyo ka tirsan ciidanka Somaliland oo marayay deegaanka Gambare oo 28 KM dhinaca koonfur bari ka xiga magaalada Laascaanod ee waqooyiga Soomaaliya.

Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi oo la’isku aadeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Xaaladda ayaa haatan dagan, iyadoona ciidamada milatariga Somaliland ay sii wateen socdaalkii ay ku marayeen gobolka Sool.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this