Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaal ka tirsanaa ciidanka DFS Oo lagu dilay Baladweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Baladweyne (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil qorsheysan oo barqanimadii maanta ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dilkan ayaa la sheegay in loo geystay sarkaal ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka oo ku sugnaa xaafadda Howlwadaag ee galbeedka magaaladaasi.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cumar Cabdi Mahad, kaas oo la sheegay in toogasho ay ku dileen rag hubeysan oo goobta isaga baxasaday.

Ilo deegaanka ah  ayaa sheegay in meesha ay wax ka dhaceen ay gaareen ciidan ka tirsan kuwa amniga, kuwaas oo gacanta ku dhigay tiro dad ah oo lagu tuhmayo dilkaasi.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Hiiraan oo ku aadan dhacdadaasi.

Indhawaanahan waxaa magaalada Baladweyne siyaabo kala duwan uga dhacayay falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo u badnaa dilal qorsheysan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this