Sign in to follow this  
Deeq A.

QM oo kulan u qabatay haweenka Soomaaliyeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Xilli ay soo dhawdahay maalinta haweenka caalamka oo ku beegan 8 bishan Maarso ayaa maanta waxaa magaaladda Muqdisho lagu qabtay shir ay iskuugu yimaadeen qeybaha kala duwan ee haweenka Soomaaliyeed.

Shirkan oo uu soo qaban qaabiyay xafiiska Qaramada Midoobay Soomaaliya ee UNSOM ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka socday haweenka labada aqal ee BFS, hoggaanka haweenka Soomaaliyeed iyo ururada bulshada rayidka ah.

Sidoo kale shirka waxaa qeyb ka ahaa xubno ka socday guddiga doorashooyinka Qaranka oo ugu baaqay baarlamaanka Soomaaliya in uu sida ugu dhaqsiyaha badan u meel mariyo sharciga qabyada ah ee doorashooyinka.

Sharcigan ayaa haweenka Soomaaliyeed u ogolaanaya qoondo gaareysa 30%, taas oo ay ka helayaan kuraasta baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa gadaal ka riixaya qorshaha haweenka ee ku aadan in ay qeyb ka noqdaan hoggaanka dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this