Sign in to follow this  
Deeq A.

Haweeney naafo aheyd oo lagu dilay M/ Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil haweeney naafo aheyd maanta loogu geystay agagaarka isgoyska Zoobe ee M/Muqdisho.

Dilka ayaa ka dhacay afaafka hore ee Hoteel Shaamow, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Mid ka mid ah ilaalada hoteelkaasi ayaa la sheegay in uu ka dambeeyay dilkan, kaas oo rasaas ku furay dad danyar ah oo raashin iyo lacago loogu qeybinayay halkaasi.

Dilka kadib dibadbax xoogan ayaa ka bilowday nawaaxiga hoteelkani, kaas oo ay dhigeen dad ka careysan falkaasi.

Askarigii ka dambeeyay dilka ayaa lagu soo warramayaa in uu goobta isaga baxsaday dhacdada kadib.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona dibadbaxayaashu ay dalbanayaan in gacanta lagu soo dhigo shaqsigii ka dambeeyay dilka haweeneydaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this