Deeq A. Posted March 4, 2019 Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil haweeney naafo aheyd maanta loogu geystay agagaarka isgoyska Zoobe ee M/Muqdisho. Dilka ayaa ka dhacay afaafka hore ee Hoteel Shaamow, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Mid ka mid ah ilaalada hoteelkaasi ayaa la sheegay in uu ka dambeeyay dilkan, kaas oo rasaas ku furay dad danyar ah oo raashin iyo lacago loogu qeybinayay halkaasi. Dilka kadib dibadbax xoogan ayaa ka bilowday nawaaxiga hoteelkani, kaas oo ay dhigeen dad ka careysan falkaasi. Askarigii ka dambeeyay dilka ayaa lagu soo warramayaa in uu goobta isaga baxsaday dhacdada kadib. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona dibadbaxayaashu ay dalbanayaan in gacanta lagu soo dhigo shaqsigii ka dambeeyay dilka haweeneydaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites