Sign in to follow this  
Deeq A.

Howlgallo ballaaran oo laga sameeyay Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (SMN) – Ciidamada ammaanka maamulka Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo dad lagu soo qab qabtay ka sameeyay waqooyiga magaalada Gaakacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxaa ciidamadu ay ku soo qab qabteen illaa 60 qof oo lala xariirinayo falalka ammaan dari ee ka dhaca magaaladaasi.

Taliyaha milatariga Puntland Cabdi-Shukri oo hoggaaminayay howlgalladan ayaa sheegay in dadka ay gacanta ku hayaan ay u badan yihiin dhalinyaro, islamarkaana ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in ay ku raadjoogaan kuwa kale oo ka baxsaday ciidamada amniga oo haatan ku dhuumaaleysanaya waqooyiga G/Mudug.

Muddooyinkii la soo dhaafay waxaa Gaalkacyo ka dhacayay falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo si aad ah uga cabanayeen dadka rayidka ee ku dhaqan magaaladaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this