Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo laga cabsi qabo in ay dowladda kula dagaalamaan Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenkii hore ee hey’adda Nabad Sugidda Qaranka, Cabdisalaan Yuusuf Guuleed ayaa sheegay in cabsi weyn laga qabo in Al-Shabaab sanado badan kadib ay Muqdisho kula dagaalamaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Taliye ku xigeenkii hore ee NISA ayaa sheegay in warbixinada la helay ay sheegayaan in maleshiyo Al-Shabaab ka tirsan ay soo galeen magaalada Muqdisho ayna suurta gal tahay in muddo dheer kadib magaalada Muqdisho lagu dul-dagaalamo shacabka ku nool.

Wareysi uu siiyay Caasimada Online ayuu ku sheegay in Al-Shabaab ay dhowaan sheegan doonaan maamulka Xaafadaha ku yaala cirifka magaalada ee degmooyinka Yaaqshiid, Heliwaa, Kaaraan iyo Deyniile hadii aysan qorshe la imaanin dowladda Soomaaliya.

“10 sano kadib waxaa dhici doonto in Muqdisho laga barakaco markii ay shacabka ku dul-dagaalamaan dowladda iyo Al-Shabaab, sababtoo ah Kumaandooska Al-Shabaab magaalada waa soo galeyn cid ka war-qabtana maleh”, ayuu yiri Cabdisalaan Yuusuf Guuleed.

Cabdisalaan Yuusuf Guuleed waxa uu noqonayaa qofkii 3-aad oo aqoon u leh arrimaha amniga oo ka diga in Al-Shabaab ay mar kale dagaalo kula galaan dowladda Soomaaliya sida ay sheegayaan xogaha laga helay sirdoonka ajaaniibta ah iyo qubarada amniga ee Soomaaliya.

Walaaca amniga ee magaalada Muqdisho ayaa cirka isku sii shareeraya waxaana dadka magaalada Muqdisho ay kuu sheegayaan in aysan jirin isku haleen amni oo ay magaalada kasii dareyso.

Al-Shabaab ayaa weeraro badan oo dhimasho iyo dhaawac sababay waxay maalmihii la soo dhaafay ka fuliyeen magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this