Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho: Askari hal dollar u dilay darawal iyo mid kale oo toogtay haweeney naafo ahayd

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Askari ka tirsan biidamada Booliiska Soomaaliya, ayaa maanta toogasho ku dilay mid kamid ah darawaliinta kaxeeya gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano Homey kadib markii uu rasaas ku furay darawalka oo ay lacag ku murmeen.

Alle ha u naxariistee Marxuumka la dilay oo dad ka soo qaaday degmada Wanla-wayn ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa ku soo wajahnaa magaalada Muqdisho, waxa uuna dilka ka dhacay degaanka Siinka Dheere ee duleedka Muqdisho.

Qaar kamid ah dadkii saarnaa gaariga ayaa noo sheegay in askariga uu 1$ weydiistay darawalka, markii uu ka dhaga-adeegayna uu toogasho ku dilay kadibna uu ka cararay.

Askariga dilka fuliyay ayaa katirsan Ciidaamda Booliiska ee fariisinka ku leh barta kontarool ee Siinka Dheer. Arrintaan ayaa noqotay hadal-heynta ugu wayn ee magaalada Muqdisho, waxayna shacabka ay dalbanayaan in Askarigaas la soo qabto.

Ma jirto wali wax war ah oo ka soo baxay hey’adaha amaanka Soomaaliya oo ku aadan dilkaan ka dhacay degaanka Siinka Dheer ee duleedka magaalada Muqdisho. Hore ayaa Booliiska Soomaaliya dad shacab ah waxay ugu dileen magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, Mid kamid ah ilaalada hoteelka Shaamow ee magaalada Muqdisho ayaa maanta toogasho ku dilay Haweeney Naafo ah oo ku sugneed meel u dhaw hoteelka kadib markii la sheegay in ay maqli waysay amar uu siiyay oo ahaa in aysan u soo dhawaanin Albaabka hoteelka.

Haweeneyda la dilay oo lugaha Naafo ah iyo meelo kale oo Xubnaha jirkeeda ah ayaa la sheegay in ay katirsaneed dad kale oo shacab ah kuwaas oo meel hoteelka u dhaw u doontay lacag ay bixineysay hey’ad Gar-gaar ah.

Dadkii ku sugnaa hoteelka Shaamow ayaa Caasimada Online u sheegay in Askariga dilka fuliyay uu ka cararay halkii uu wax ku dilay waxaana la joojiyay lacagtii ay bixineysay hey’ad halkaasi dagan.

Xubno katirsan hey’adda WFP oo lacagta bixineysay ayaa Caasimada Online u sheegay in Haweeneyda la dilay ay ka go’need mid kamid ah lugaheeda sidoo kalane ay ka xanuunsaneysay meelo kale oo jirkeeda kamid ah.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo badanaya dhacdooyinkii xanuunka badan oo saameenta ku reeba shacabka Gobalka Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this