Sign in to follow this  
Deeq A.

Duuliyihii Madaxweyne Ku-Xigeenka Dalka Kenya Iyo Dhowr Qof Oo Ku Geeriyootay Shil Diyaaradeed

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nairobi)-Duuliyaha oo lagu magacaabi jirey Kabtan Mariyo Maganga iyo 4 Muwaadin oo u dhalatay dalka Maraykanka ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen Diyaarad Helikoptar oo ku burburtay Deegaanka Laboola oo ku dhow Harada Turkana ee Gobalka Turkaana ee dalkaasi.

1-1-1.jpg

Maydka Duuliyaha iyo burburka Helikopterkii uu lahaa Madaxweyne-ku-xigeenka Kenya, William Ruto. ayaa saaka laga helay halkii ay ku burburtay.

Xildhibaan Rijard Omyonka oo qaraabo la ah Duuliyaha geeriyooday oo la hadlay Telefishinka NTV ayaa sheegay in Diyaaradda uu waday Duuliyaha laga waayey Raadaarka abaarihii 8-dii Fiidnimo ee xalay, xilli ay diyaaradda duulaysay meel ku dhow Harada Turkaana.

Waxa kale oo uu xusay inuu Duuliyaha oo keliya la socday Helikoptarka uu lahaa Madaxweyne-ku-xigeenka Kenya, William Ruto.

Dhinaca kale, Boliska Kenya ayaa sheegay inay shilkaasi ku wada geeriyoodeen Duuliyihii iyo 4 qof oo u dhalatay Maraykanka oo la socday Diyaaradaasi, mana kala cadda sababa keenya burburka Diyaaradaasi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this