Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno Al-shabaab u Qaabilsanaa Dilalka Qorsheysan Oo Lagu Soo Bandhigay Degmada Wadajir

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka degmada Wadajir iyo taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa saldhigga degmadaasi waxay kusoo bandhigeen Saddex nin oo la sheegay iney Al-shababa u qaabilsanaayeen dilalka qorsheysan iyo sidoo kale kala gudbinta hubka.

Raggan oo warbaahinta la hadlay waxay sheegeen iney ka mid yihiin Al-shabaab, lana soo qabtay xilli ay dil fulin rabeen.

Waxa ay sheegeen in markii lasoo qabanayey ay dili rabeen Haweeney ka mid ahayd ergadii soo doortay xildhibaannada golaha shacabka, islamarkaana Khaad ku iibineysay beerta Khaadka ee magaalada Muqdisho.

Raggan ayaa sheegay iney qirsan yihiin iney qaladaad sameeyeen, balse waxay dalbadeen in la cafiyo.

Dhanka kale, guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir, Maxamed C/laahi Tuulax oo halkaasi warbaahinta kula hadlay wuxuu sheegay in cadaaladda la horgeyn doono raggaasi.

Tuulax ayaa dhanka kale uga mahadceliyey ciidanka Booliiska ee gacanta kusoo dhigay raggaasi.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this