Deeq A. Posted March 4, 2019 Dagaal u dhaxeeyey ciidanka Somaliland iyo sidoo kale kuwa uu hoggaaminayey Korneel Faysal Falaalug ayaa maanta ka dhacay degaanno ka tirsan gobolka Sool. Ciidamada Falaalug ayaa jidka u galay kolonyo ay la socdeen ciidanka Milatariga Somaliland xilli ay marayeen deegaanka Gambadhe oo qiyaastii 30-km u jira magaalada Laascaanood. Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan, hase ahaatee waxaa jira howlgallo ay wadaan ciidamada Somaliland. Ciidankii weeraray kuwa Somaliland ayaa dib u laabtay, xaaladuna waxa ay tahay midda deggan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites