Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo Booqday dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saaka booqday Isbitaalka Madiina si uu ugu kuurgalo xaaladda caafimaad ee dadkii ku dhaawacmay weerarradii Al-shabaab ay ka fulisay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii uu gaaray Isbitaalka waxa uu warbixin faahfaahsan ka dhegaystay Agaasimaha Isbitaalka Madiina Dr. Maxamed Yuusuf  oo uga warramay xaaladda caafimaad ee ay ku sugan yihiin dadkii qaraxa ku waxyeeloobay.

Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa Isbitaalka waxa uu mid mid u dul istaagay bukaannada iyo dhawaacayada lagu daawaynayo Isbitaalka Madiina, isaga oo arkay xaaladdooda caafimaad.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey dhakhaatiirtii uu kula kulmay Isbitaalka Madiina shaqada wanaagsan ee ay bulshada Soomaaliyeed u hayaan, isagoona kula dardaarmay in ay sii dardargeliyaan daryeelka caafimaad ee ay u fidiyaan bukaannada qaba dhaawacyada kala duwan.

  • Farmaajo-1.jpg?w=1000&ssl=1
Farmaajo-2.jpg?w=1000&ssl=1 Famraajo-3.jpg?w=1000&ssl=1 Farmaajo-4.jpg?w=1000&ssl=1 Farmaajo-5.jpg?w=1000&ssl=1 Farmaajo-6.jpg?w=1000&ssl=1 Farmaajo-7.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo oo Booqday dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this