Sign in to follow this  
Deeq A.

Somalia:Dhacdo diimeed Uguba oo loo dilay wiil 8 sano jira

Recommended Posts

Deeq A.   
Somalia:Dhacdo diimeed Uguba oo loo dilay wiil 8 sano jira
201933636872110114012361Al-Shabaab-990x5

 Dadka deegaanka Xawaadley oo hoostagta degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa dhigay dibadbax rabashado watay oo ay uga soo horjeedeen dilka wiil yar oo 8 sano jir ahaa oo ka tirsanaa dadka deegaanka.

Wararka ka imanaya deegaanka uu falka ka dhacay ayaa sheegaya in Ilmahan yar meydkiisa laga helay wabiga kaddib markii sida la sheegay uu toorey ku dilay Aabihii oo ka cadhooday hilib uu wiilkiisa ka soo cunay guriga dad ay ehel ahaayeen.

Qof ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in meydka wiilkan yar oo ka xidhxidhan lugaha iyo gacmaha laga helay wabiga, waxaana uu intaa ku daray in Aabihii uu ka mid yahay firqada Takfiirka oo ah koox diimeed aan raashinka iyo guud ahaanba cunnada la wadaagin dadka intiisa kale.

“Wiilkan ayaa la dilay kadib markii uu cunto ka soo cunay guriga ay ku geeriyootay ayaydiis oo xoolo lagu qalay.”ayuu sii raaciyay Cali Xaaji oo ka mid ah dadka ku nool deegaanka Xawaadley.

Dadka dibad baxa dhigay ayaa la sheegay in ay dab qabadsiiyeen Masjid ay ku cibaadeystaan firqada Takfiirka ee deegaanka ku dhaqan, iyaga oo falkaa uga jawaabaya dilka loo geystay wiilka yar.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this