Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Kenya oo qarax lagula eegtay Garissa

Recommended Posts

Deeq A.   

Garissa (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ciidamo ka tirsan kuwa Boliska Kenya xalay lagula eegtay gudaha dalkaasi.

Qaraxa oo ahaa Miino ayaa waxaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday ciidamadaasi, xilli ay marayeen inta u dhexeysa deegaanada Xagardheer iyo Amuume oo hoostaga magaalada Garissa gobolka waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ciidamada Booliska Kenya ka soo gaaray qaraxaasi.

Dhinaca kale Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkan, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka.

Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in qaraxan Miino ay ku gubeen gaari uu noociisu ahaa Kooyal, sida ay hadalka u dhigeen.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka dowladda Kenya oo ku aadan dhacdadaasi.

Muddooyinkii la soo dhaafay Al Shabaab ayaa sare u qaaday weerarada ay ka fuliyaan gudaha dalka Kenya, gaar ahaan deegaanada dhaca xadka Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this