Sign in to follow this  
Deeq A.

Video: Haweeney ka badbaaday Al Shabaab oo codsi u dirtay madaxda ugu sareyso dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Mid kamid ah haweenka Khaadka Iibiya oo ka badbaaday weerar qosheysan oo Al Shabaab ay ku dili rabeen ayaa codsi u dirtay madaxda ugu sareyso dalka.

Haweeneydaan oo saxaafadda la hadashay kadib markii lasoo qabtay dhalinyaradii isku dayay inay dilaan ayaa sheegtay inay Marduuf Khaadka ah ka raadin jirtay masruufka caruurteeda oo 7 gaaraya.

Waxay sheegtay in seygeeda uu yahay ruux kamid ah ciidamada booliska, waxaana ay ka dalbatay madaxda ugu sareyso dalka inay dajiyeen meel amaan ah, maadaama aysan ka fakaneyn Al Shabaab.

Dhalinyarada lasoo qabtay ayaa bastoolad la kortagay haweeneydaan waxaana u shaqeyn waayay labo bastoolad oo ay wateen, waxaana kadib qabtay ciidamada amaanka oo goobta ka dhawaa.

Seddexda dhalinyarada ah ee lasoo qabtay ayaa sheegay inay qaabilsanaayeen dilalka qorsheysan ee degmada Wadajir.

Hoos ka daawo Muuqaalka Haweeneyda.

 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this