Sign in to follow this  
Deeq A.

Madax iyo dagaalamayaal Shabaab ah oo la sheegay inay soo galeen Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa ka jira walaac xoog leh oo dhinaca amaanka ah, kaas oo ay qabaan shacabka, ciidamada iyo mas’uuliyiinta dowladda kadib markii ay kordheen dilalka, qaraxyada iyo weerarada Al-Shabaab.

Dadka magaalada Muqdisho ayaa billaabay in ay waqti hore ku xaroodaan guryahooda, waxa ayna magaalada gashay bandow oo aan cidna ku soo rogin. Sidoo kale waxaa jira fariimo mobile-ka la’ iskugu dirayo, kuwaas oo ah wargelin iyo qatarro amni oo ka dhaci kara magaalada Muqdisho oo dadka la ogeysiinayo.

“Fadlan haka bixin gurigaada, hadii aadnan ka maarmin ka fogaaw wadada Maka Al-Mukarama, Liido, iyo meelaha kale oo taargadka noqon kara, isku day in aad waqti hore gurigaada ku soo laabato, ha fariisan maqaayadaha waddo aad mar martay haku noqon, magaalada waxaa soo galay qaraxyo iyo raga wax dila ee Al-Shabaab, aqriso Qur’aanka, Mahadsanid, Alle haku amaansado”, waa fariimaha ay mobilka isugu dirayaan qaar kamid ah shacabka magaalada Muqdisho oo wajahaya amni darro xoog leh.

Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa Caasimada Online u sheegay in magaalada Muqdisho ay soo galeen hogaamiyaal Al-Shabaab ah iyo dagaalamayaal ka soo baxsaday duqaymaha Mareykanka ee ka socda goballada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in ay haayaan warbixino digniin ah oo ay soo saareen hey’adaha sirdoonka ajaaniibta ah ee dalka ku sugan, kuwaas oo tilmaamaya in magaalada ay soo galeen rag badan oo Al-Shabaab ah lagana cabsi qabo in ay weeraraan xarumo iyo hotelo ku yaala magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Cabdirsaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in ay halis ku jiraan shacabka gobalka Banaadir islamarkaana aysan jirin cid u maqan oo wax ka qabata amni darrada ka taagan Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho.

Madaxda Dowladda Soomaaliya ayuu ka dalbaday in ay la yimaadaan isbadal amni inta uusan khasaaraha intaan ka badan. Sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ayuu ka dalbaday in ay ka fekeraan amnigooda iyo badbaada nolashooda maadaama ay ku jiraan xaalad halis ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this