Deeq A. Posted March 3, 2019 Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Hoggaamiyaha Jarmalka u qaabbilsan Afrika, Günter Nooke. Ugu horeyn, Günter ayaa Madaxweynaha soo gaarsiiyey salaan iyo farriin uu uga sidey madaxda Dowladda Jarmalka. Farmaajo iyo Nooke ayaa kulankooda ku lafo-guray xiriirka labada dal iyo sidii Dowladda Jarmalku u xoojin lahayd taageerada ay u fidiso Soomaaliya, una dardargelin lahayd mashaariicda horumarineed ee dalka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites