Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Adeega gaadiidka dadweynaha ee Dhaweeye oo Muqdisho laga joojiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Adeega gaadiidka dadweynaha ee Dhaweeye ayaa laga joojiyey magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kaasi oo aan shaqeyn maalmihii ugu dambeeyey.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in adeeggan uusan magaalada ka shaqeyn muddo hadda toddoba cisho ku dhow.

Warar is-khilaafsan ayaa kasoo baxaya sababta adeeggan, oo ka shaqeynaya magaalooyinka kale ee Soomaaliya, looga joojiyey magaalada Muqdisho kaliya iyo cidda joojisay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ay dowladda Soomaaliya joojisay kadib markii la sheegay in mid ka mid ah gaadiidkaas ay ka soo dageen, kuna baxsadeen ragii dilay allaha u naxariistee Xildhibaan Cusmaan Cilmi Boqorre.

Xogtan ayaa sheegeysa in saraakiil ka tirsan wasaaradda amniga iyo taliska Ciidamada Booliiska Soomaaliya ay maamulka Shirkadda ku wargeliyeen in gaadiidkaan aysan Muqdisho ka shaqeyn karin ilaa ay keenaan dadkii ka dambeeyay dilka Alle ha u naxariistee Xildhibaan Boqorre oo bishii hore lagu dilay degmada Kaaraan ee Gobalka Banaadir.

Si kastaba, xubno kale oo ka tirsan hay’adaha amniga dowladda oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegaya in joojintan adeeggamn aysan shaqo ku lahayn dowladda, waxayna ku eedeeyeen kooxda Al-Shabaab.

Saraakiisha la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in Shabaabka ay adeeggan u joojiyeen sababo la xiriira xagga amnigooda, inkasta oo aysan shaacin sababahaas.

Mas’uuliyiin ka tirsan shirkadda Dhaweeye oo aan la xiriirnay waa ay diideen inay ka hadlaan sababta adeegga loo joojiyey, inkasta oo ay xaqiijiyeen inuu joogsaday balse ay ku gaabsadeen in dhowaan dib u howl-gali doono.

Shirkadda Dhaweeye oo dhawaan ka shaqa bilaawday magaalada Muqdisho ayaa waxaa faa’idooyin badan ka helay dadweynaha ku nool magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this