Sign in to follow this  
Deeq A.

Wiil 7 jir ahaa oo lagu gowracay Sh/ Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Balcad (SMN) – Dhacdadan ayaa timid, kadib markii nin ka mid ah dadka deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeelaha Dhexe uu gowracay wiilkiisa oo todobo jir ahaa.

Dilkan ayaa la sheegay in Aabuhu uu u adeegsaday Toorey, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyay falkaasi,waxaana uu sheegay in ninka dilka geystay uu ka mid yahay koox diimeedka loo yaqaano Takfiir, kaas oo goobta isaga baxsaday.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in ciidamada amnigu ay sameeyeen howlgal lagu soo qab qabtay ku dhawaad 10 qof.

Dhinaca kale wararka ka imaanaya degmada Mahadaay ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay shaqsi ka mid ah dadka deegaanka uu isku daldalay duleedka degmadaasi.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi Aadan ayaa ahaa 52 jir, waxaana uu uu bare ka ahaa iskuulka hoose dhexe ee deegaanka Buurane ee gobolka Sh/ Dhexe.

Illaa iyo hadda lama oga sababta uu isku dilay macalinkaasi, mana jiro weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka HirShabelle oo ku aadan dhacdadaasi.

Balse dadka deegaanka ee ku dhaqan halkaasi ayaa aad uga murugooday falkan naxtinta leh.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this