Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo booqday isbitaalka weyn ee Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeer shaqo ku tegay isbitaalka weyn ee magaalada Garoowe.

Kormeerka Madaxweynaha waxaa ku wehelinayey wasiirka wasaaradda Caafimaadka Puntland Jaamac Faarax Xasan, wasiir ku xigeenkiisa Cabdinaasir Yuusuf Xaaji iyo Saraakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa kormeeray dhammaan qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay isbitaalku, Isla markaana waxa uu booqday muwaadiniin ugu jira isbitaalka xaalad caafimaad, isagoona mid mid uga xog warsaday maamulka isbitaalka xaaladda caafimaad ee shacabkaasi, waxaana uu ugu danbayn madaxweynuhu kulan gaar ah la qaatay mas’uuliyiinta isbitaalka iyo Wasaaradda Caafimaadka Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Jaamac Faarax Xasan ayaa ka warbixiyey Kormeerka madaxweynaha Puntland uu maanta ku tegey isbitaalka weyn ee magaalada Garoowe.

Maanta oo ay taariikhdu tahay Maarso 03 2019 waxaa isbitaalka weyn ee Caasimadda Garoowe nagu soo booqday Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Kormeerka Madaxweynaha ayaa muhiimaddiisu ahayd u kuurgalka xaaladda isbitaalka, runtii Kormeerkaasi si wanaagsan ayuu u qabsoomay, waxaanu cisbitaalka ugu tagnay shaqaale aad u dedaalaya”

Sida aad la socotaan isbitaalka Garoowe waxaa la hirgeliyey dhismihiisa xili hore, waxa uu u baahan yahay balaadhin iyo tayayn dhan-walba ah, Madaxweynuhu wuxuu soo jeediyey in si dhakhso ah loo balaadhiyo isbitaalka, Isla markaana loo dhammaystiro baahida qalab iyo mid dhismeba” ayuu yiri wasiirku.

Ugu dambayn, madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maamulka iyo shaqaalaha isbitaalka kula dardaarmay inay dardargeliyaan shaqooyinka baaxaddale ee ay u hayaan shacabkooda, Isla markaana waxa uu madaxweynuhu ku adkeeyey dhakhaatiirta iyo maamulkaba inay masuuliyad gaara iska saaraan shacabka rayid ka ah ee u baahan daryeelidda xaaladdooda caafimaad.

FB_IMG_1551616503726.jpg?w=1000&ssl=1 FB_IMG_1551616523396.jpg?w=1000&ssl=1 FB_IMG_1551616527834.jpg?w=1000&ssl=1 FB_IMG_1551616546336.jpg?w=1000&ssl=1 FB_IMG_1551616554496.jpg?w=1000&ssl=1 FB_IMG_1551616566582.jpg?w=1000&ssl=1 FB_IMG_1551616566582-1.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland oo booqday isbitaalka weyn ee Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this