Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidankii loogu tala-galay Ilaalada madaxweynaha oo xaafadaha magaalada MUQDISHO lagu arkay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Milateriga Soomaaliya ee ilaalada ka ah Madaxtooyada ayaa Xalay iyo Saakay lagu arkay iyagoo baaritaano wada Xaafado kamid ah magaalada Muqdisho kadib markii Shalay la duqeeyay Xafiisyo ku yaala Villa Somalia.

Ciidamadaan ayaa Xalay howlgalka ka sameeyay Xaafado ku yaala dhabarka dambe ee Madaxtooyada Soomaaliya islamarkaana ka tirsan degmada Wardhiigley ee Gobalka Banaadir, waxaana la sheegay in ay galeen dhowr guri oo halkaasi ku yaalo.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Ciidamada guryihii ay galeen, guri kamid ah ay ka soo qabteen qaar kamid ah qoyskii daganaa waxaana lagu tuhunsan yahay in ay hoobiyaashii lagu weeraray Villa Somalia.

Sidoo kale Ciidamada loogu tala-galay ilaalada Madaxweynaha iyo Reysal-wasaaraha ayaa saakay aroortii hore howlgal ka fuliyay Xaafado kamid ah degmada Deyniile ee Gobalka Banaadir.

Baaritaanka ay saakay sameeyeen Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada ayaa la sheegay in uu daba-joogo howlgalkii xalay iyo duqeyntii shalay ee lagu garaacay Madaxtooyada Soomaaliya. Lama sheegin ilaa hada howgalkii saakay wax dad ah oo lagu soo qabtay.

Dad badan ayaa is weydiinayaa sababta ay Ciidadamada Ilaalada Madaxweynaha u sameeyeen baaritaankaan iyadoo ay joogaan Ciidamada kale ee loogu tala-galay baaritaanka arimahaan oo kale.

Arintaan ayaa muujineysa in amaanka magaalada Muqdisho uu marayo meel aad u liidato ayna dhici karaan qatarro kale oo dhinaca amniga ah. Dad badan ayaa ka walaacsan amnigooda waxayna dowladda ka dalbadeen in ay ka shaqeyso nabad-galyada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this