Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Kenya oo askari Soomaali ah dilay iyo kuwii Soomaalida oo jawaaby

Recommended Posts

Deeq A.   

Fafaxdhuun (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya degaanka Faafaxdhuun ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya ay askari Soomaali ah ku dileen gobolkaas mid kalena ku dhaawacmeen.

Askarta Kenyaanka ah oo saaka ka baxay degaan 25km u jira Faafaxdhuun ayaa la kulmay qarax, waxaana kaddib Ciidamada ay ka shakiyeen askari taleefan ku hadlayay oo Soomaali ah, sida ay qaar ka mid ah ciidamada Soomaalida sheegeen.

Rasaastii ay ku fureen Askariga ayuu u geeriyooday waxaana sidoo kale ku dhaawacmay mid kale oo la taagnaa.

Qof ka mid ah goobjoogayaasha ku sugan degaanka ayaa xaqiijiyay in ciidanka Kenya ay ka shakiyeen askariga Taleefanka ku hadlayay oo ay ku tuhmeen in uu qaraxa xogtiisa bixinayay, inkasta oo aysan jirin wax caddeynaya tuhunka ciidamada Kenya.

Warar kale, ayaa sheegaya in ciidamada Soomaaliya ay iska caabiyeen kuwa Kenya markii askariga ay dileen, islamarkaana askari Kenyan ah ay ayagana dhaawaceen.

Ciidamada Kenya ayaa shalay isaga baxay degaanka Faafaxdhuun ee Gobolka Gedo oo 80km dhinaca galbeed uga beegan Baardheere, waxaana halkaas la wareegay maleeshiyada kooxda Al-Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this