Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee UK

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Onlkine) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Dowladda UK u soo magcawday Soomaaliya Mudane Ben Fender.

Danjiraha cusub ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Boqoradda dalka UK, isaga oo Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay weerarradii ay dhawaan argagaxisadu ku beegsatay shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

Madaxweyne Farmaajo iyo Danjiraha dalka UK ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo sidii sare loogu qaadi lahaa wadashaqaynta iyo iskaashiga taariikhiga ah ee u dhexeeya labada dowladood.

Madaxweynaha iyo Danjire Ben Fender ayaa sidoo kale ka wada hadlay in Dowladda UK ay xoojiso taageerada ay u fidiso Dowladda Soomaaliya ee dhanka tababarka Ciidamada Booliiska iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha nabad-diidka ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Danjiraha cusub ee UK u ballan-qaaday in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay si dhaw ula shaqayn doonaan, kuna garabsiin doonaan gudashada xilka loo igmaday.

Madaxweyne_Farmaajo_oo_qaabiley_safiirka Madaxweyne_Farmaajo_oo_qaabiley_safiirka Madaxweyne_Farmaajo_oo_qaabiley_safiirka

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this