Deeq A. Posted March 3, 2019 Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo maanta ka dhacay deegaanka Garasbaaley ee duleedka M/Muqdisho. Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa la sheegay in lala eegtay guddoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada ee maamulka deegaankaasi, walow uu ka badbaaday qaraxaasi. C/laahi Cabdi Maxamed oo ah mas’uulka lala bartilmaameedsaday qaraxan ayaa Shabelle uga warbixiyay dhacdadaasi. Waxaana uu tilmaamay in Miinadu haleeshay gaarigiisa oo burbur xoogan ka soo gaaray. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in ay ku dhaawacmeen qaraxaasi illaa 4 qof oo shacab ah oo ka agdhawaa meesha uu qaraxu ka dhacay. Ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay masuuliyadda qaraxan balse Al Shabaab ayaa inta badan weeraro ka fuliyay gudaha iyo daafaha magaalada Muqdisho. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/COD-CADAANI-.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites