Sign in to follow this  
Deeq A.

Kheyre oo shir Muhiim u ah dhalinyarada uga qeyb galaya Magaalada Geneva

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho, isaga oo kusii jeeday magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Ra’iisul wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Geneva  ee dalka Switzerland kaga qeyb galaya shir Muhiim u ah dhalinyarada Soomaaliyeed iyo haweenka.

Shirkaasi ka dhacaya magaalada Geneva waxaa looga hadlayaa shaqo la’aanta dhalinyarada iyo haweenka, waxaana Kheyre laga filayaa inuu shirkaasi la tago heerka shaqo la’aan ee dhalinyarada Soomaaliyeed iyo qorshaha xukuumadiisa.

Inta uu joogo magaalada Geneva, ayaa Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu hadal ka jeedinayaa kulanka Golaha xuquuqul insaanka oo ka dhacaya isla magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Dhalinyarada Soomaaliyeed waxaa heysta shaqo la’aan badan, waxaana xukuumadda marar badan ay shaqo abuur u sameysay dhalinyarada degmooyinka Gobolka Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this