Sign in to follow this  
Deeq A.

Fiqi “”Ciidamada FAHAD YAASIIN Sidii Baydhabo ugama suura Galeyso GALMUDUG”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-XIldhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Cadaado.

Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay in madaxtooyada Soomaaliya ay leedahay abaabulka waxyaabaha ka dhacaya magaalada Cadaado, isaga oo weeraray taliye ku xigeenka NISA Fahad Yaasiin.

Qoraalka uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayaa u qornaa Sidan:-

Waa tallaabo kale oo qaldan oo damaca indhaha la’ ee Villa Somalia uu garwadeen ka yahay In xaruntii madaxtooyada Cadaado lagu qabsado ciidamada NISA iyo XDS ee qeybta 21-aad.

Waxayna tani ka marqaati kacaysaa In Madaxweyne Farmaajo kursigii Villa Somalia uu ku filnaan waayey oo kuraastii dawlad goboleedyada uu hunguri ka galay ayadoo uu hanan la’yahay oo uu ku fashilmay amniga MUQDISHO.

Ciidamada Fahad Yaasiin ee NISA ee horey u qabsaday Baydhabo, dad badanna ku laayey, Uma malaynayo In qorshahaasi uu suurtagal ka noqon karo GALMUDUG.

Ciidamada magaca qaranka wata waxaan ugu baaqaynaa In ay hawlaha siyaasadda ka baxaan, haddii ay dhul-qabsanayaan waxaa jira Dhul ballaaran oo gacanta Alshabaab ku jira, laakin aan laga aqbalayn In xarumo maamul qabsashadooda ay Guul nooga dhigaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this