Deeq A. Posted March 3, 2019 (SLT-Khartoum)-Hoggaamiyaha Xisbiga ugu weyn Mucaaradka ee dalka Suudaan, Saadaq Al-mahdi ayaa ugu baaqay Madaxweyne Al-bashiir inuu xilka ka dego, iyo inuu Mucaaradka la soofadhiisto, si heshiis looga gaadho Faahfaahinta Xilliga Kal-guurka ee lagu soo gebagebeynayo Xiisadaha ka taagan Suudaan. Saadaq Al-mahdi waxa kale oo uu ku baaqay in la qaado Xukunka Degdegga, Alana sii daayo dhammaan Siyaasiyiinta xidhan. Baaqan ayaa yimid, kaadib toddobaadyo ay Dibadbaxyo lagaga soo horjeedo Madaxweyne Albashiir ka socdaan dalkaasi, iyadoo uu Madaxweynuhu Xukun Degdeg ah ku soo rogay dalkaasi. Source Share this post Link to post Share on other sites