Sign in to follow this  
Deeq A.

Denmark Oo Khasab Ku Soo Mustaafurinaysa Qaxootiga Soomaalida Aan Sharciga Lahayn

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Denmark)-Dowladda Denmark waxay ku dhaawaaqday inay xoog u adeegsan doonaan sidii loo soo masaafurin lahaa Qaxootiga Soomaalida ee aan xaqa u lahayn inay sii joogaan dalkaasi. Inkastoo uu Ra’isul-wasaaraha dalkaasi, Lars Løkke Rasmussen sheegay inuu jeclaan lahaa inay si iskooda dib ugu laabtaan dalkooda hooyo.

DENMARK.jpg

Hoggaamiyaha Denmark, Laris Lokke Ramussenm waxa uu ammaanay Xaalladda Soomaaliya, kadib, markii uu Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo isku arkeen Shirkii Carabta iyo EU-da ee dhawaan lagu qabtay magaalladda Sharma-sehekh ee dalka Masar

Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta dalka Denmark waxay shaki xoogan ka muujiyeen suurto-galnimadda Dib-u-celinta Khasabka ee Qaxootiga Soomaalida ku nool dalkaasi, balse, Ra’isul-wasaaraha Denmark waxa uu tilmaamay inuu jiro Heshiis Qarsoodi oo Toos ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Denmark.

Dhinaca kale, Haweeneyda Wasiirka Socdaalka ka ah dalka Denmark, Inger Støjberg waxay bishii December ee sannadkii hore ugu baaqday Qaxootiga Soomaalida inay dib ugu laabtaan dalkooda hooyo, kana qeyb galaan Dib-u-dhiska Somalia.

Denmark ma aha dalka kaliye ee ku hawlan inaysan qaabilin Qaxooti cusub, iyadoo kuwii horena dib ugu celinaya dalalkooda.

Sannadkii hore, Wasiirka Arrimaha Gudaha Talyaaniga, Maatiyo Salfiini waxa uu go’aansaday, inuu diirada saaro masaafuruinta Qaxootiga ku qulqulayo dalkiisa.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this