Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Mursal Iyo Guddoonada Baarlamaannada Carabta Oo Kulmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee JFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ay ku suganyihiin Dalka Jordan ayaa xalay ka qeyb galay Kulan ay yeesheen Guddoomiyaasha Midowga baarlamaanada Carabta kaasoo hor u dhac u ah Shirka 29-aad ee midowga Baarlamaanada Carabta oo ka furmi Caasimada Cammaan oo ah Magaala madaxda Dalka Jordan.

Kulanka ayaa Madaxda Midowga Baarlamaanada Carabta waxa ay marka hore iska wareysteen xaaladaha Dalalka Guddoomiye walba uu matalo gaar ahaan howlaha baarlamaanada iyo qaabka ay u shaqeeyaan.

waxyaabaha Kulanka aad loogaga hadlay waxaa ka mid ah in la xoojiyo xiriirka iyo wada shaqeynta Baarlamaanada Carabta  iyo shacabka Dalalka Carabta,Sidoo kale waxyaabaha aadka diirada loo saaray si gaar ahna ay ka qeyb galayaasha Kulanka uga hadleen ayaa ahaa Arinta qadiyada Falastiin iyo sidoo kale Ajendayaasha shirka weyn ee Midowga Baarlamaanada Carabta ee IPU,waxaana Guddoomiyaha Golaha shacabka ee JFS uu  qudbad ka jeedin doonaa shirkaasi oo saacadaha soo socda ka furmi doona Magaaladda Cammaan ee Caasimada Dalka Jordan.

001.jpg 01.jpg 002.jpg 02.jpg 003.jpg 03.jpg 004.jpg 04.jpg 005.jpg 006.jpg 007.jpg

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this