Deeq A. Posted March 3, 2019 Wararka saakay oo Axad ah naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay howlgallo ka wadaan ciidamada Booliiska ee dowladda federaalka Soomaaliya. Howlgalkan ayaa si gaar ah waxa uu uga socdaa xaafadda Howlwadaag ee magaalada B/weyne, halkaasi oo maalmihii ugu dambeeyey ay ka dhacayeen falal amni darri. Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkan ayaa ka gaabsaday iney faah faahiyaan haddii ay jiraan dad lagu soo qabtay howlgalka. Meelaha qaar waxaa loo diidayaa isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha, iyadoo xaaladda guud ee magaaladana tahay mid deggan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites