Deeq A. Posted March 3, 2019 Cadaado (SMN) – Xaaladda magaalada Cadaado ee xarunta baarlamaanka Galmudug ayaa saaka dagan, kadib markii xalay ay la wareegeen ciidamo ka tirsan kuwa nabad sugida maamulkaasi. Guddoomiye ku xigeenka Cadaado Nuur Yarow Xeyle (Shaarba Cade) oo wareysi gaar ah siiyay Shabelle ayaa beeniyay in dagaal uu ka dhacay degmadaasi. Waxaana uu tilmaamay in odayaasha dhaqanka iyo maamulku ay ku qanciyeen maleeshiyaad ku sugnaa xarunta madaxtooyada in ay ka baxaan, laguna guuleystay, kadibna ay la wareegeen ciidamada nabad sugida maamulka Galmudug. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/wareesi-gudoomiye-kuxugeynka-caado-nuur-yarow-xeele-shaarba-cade.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites