Deeq A. Posted March 3, 2019 Balcad (SMN) – Wararka naga soo gaaraya Shabeelaha Dhexe ayaa lagu soo warramayaa in saaka xiisad dagaal ay ka taagan tahay deegaanka Xawaadley oo hoostaga degmada Balcad ee gobolkaaasi. Xiisadan oo ah mid xoogan ayaa waxa ay dhexeysaa labo beeleed oo wada daga deegaankaasi. Dhaq dhaqaqaaqyo iska soo horjeeda ayaa haatan socda, iyadoona dadka deegaanku ay cabsi ka muujinayaan in dagaal uu ka qarxo halkaasi. Colaadan oo muddo fog soo jiitameysay ayaa waxa ay salka ku haysaa arrimo la xariira dhul beereed, balse waxaa dib u soo cubooneysay dil shalay ka dhacay Xawaadley. Xaaladda ayaa saaka kacsan, iyadoona maleeshiyaadka labada dhinac ay wadaan abaabulo xoogan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites