Deeq A. Posted March 3, 2019 Waxaa dhammaan culimmada arrimaha bulshadu isku raaceen in horumarka bulshada, xasilloonida siyaasadda iyo guud ahaan qummaati u socodka bulshadu uu si toos ah ugu xiran yahay heerka musuqmaasuqa ee dal. Dalalka hodanka ah iyo kuwa saboolka ah waxay ku kala duwan yihiin heerka xakamaynta musuqmaasuqa,lagamana yaabo in bulsho saboolnimo iyo rafaad ka baxdo iyadoon musuqmaasuqa xakamayn. Dalalka Ayslaand(Iceland) iyo Singapore oo ah laba dal oo aan lahayn khayraad badan oo dabiici ah waxay xagga nolosha iyo hodantinnimada dunida uga jiraan meesha ugu sarraysa, sababtuna waa musuqmaasuqa oo ay la dagaallameen ilaa heer ciribtir ku dhow. Dhinaca kale dalalka Afrika waxaa halakeeyey musuqmaasuq inkastoo ay kheyraadka dabiiciga ah hodan ka yihiin. Dalkeennu meesha uu kaga jiro qiimaynta musuqmaasuqu waa wax laga yaxyaxo,waana tan keentay inaynnu qaxooti kuwada noqonno gude iyo dibedba. Qofkii Soomaali ah oo ay dani ka hayso dalkiisa iyo dadkiisa oo ka gubanaya dhibaatada ina haysata waa inuu mawqif cad ka qaataa musuqmaasuqa. Waxaa laga yaabaa in la is weydiiyo maxaa qofka caadiga ahi arrintan ka qaban karaa.Waa suaal meesha ku jirta, laakiin waxaa mudan inaan la illaawin in madaxdu ay dadka ka dhasheen. Haddii bulshadu u aragto musuqmaasuqa wax xun oo la mid ah tuugnimada iyo falalka kasii daran, waxaa hubaal ah in musuqmaasuqu yaraan lahaa,qofka musuqmaasuqa samaynayaana la dhuuman lahaa.Bulshadeenna, nasiib xumo waa lagu faanaa boobka iyo wax isdaba marinta,taasoo keentay inaan lala dhuuman waayo dadka ayaa aqbalay. Musuqmaasuqa maamulka waxaa ugu waaweyn. 1. Xatooyada hantida loo dhan yahay oo qof masuul ahi boobo. 2. Laaluushka oo lagu xiro adeegyada bulshada, ama lagu kasbado waxaan qofku xaq u lahayn. 3. Eexda oo qabyaaladdu hoos timaaddo. Dhibaatada musuqmaasuqu waa ka daran tahay dagaallada iyo aafooyinka dabiiciga ahba, mana jiro dhibaato bulsho ku faafta oo ka darani. Musuqmaasuqu wuxuu horseedayaa inaan wax u qabsoomin dalka, akhlaaqda dadka oo gebi ahaanba xumaata, waxbarashada iyo aqoonta oo aan qiime lahayn iyo isnaceyb bulshada dhex gala. Dhinaca kale haddii bulsho ku guulaysato inay xakamayso musuqmaasuqa waxaa miraha loo arkayaa si dhaqso leh oo u eg mucjiso. Haddii mid ka mid ah dawlad goboleedyada dalku arrintan xoog saarto waxaa hubaal ah in muddo gaaban uu gobolkaasi ku noqonayo kan ugu fiican dalka. Waxaa kordhaya nabadda, maalgashiga iyo dhammaan kaabayaasha dhaqaalaha oo si degdega u kobcaya, dadkuna shaqo ayey helayaan dawladduna canshuur. Dadku canshuurta bixinteeda dhib u arki mayaan markay ogyihiin in iyaga wax loogu qabanayo. Dalalka adduunka ugu musuqmaasuqa badani waa muslimiin,taasina waa mid khasbaysa in la isweyddiiyo sababta iyo meesha wax iska daba marsan yihiin. Islaamku waa diidayaa khayaano iyo wax isdabamaris, boob iyo dulmi. Quraankuna dawladnimada laba shardi buu siiyey oo ah wadatashi iyo caddaalad. Wadatashiga(Shuuraa) waxaa la dhexgeliyey salaadda iyo sakada taasoo tusinaysa waajibnimadiisa(Alshuuraa 38). Intaa wixii ka badan iyo sida wadatashiga loo agaasimayo dadka ayaa loo daayey maadaama islaamku yahay diin loogu talagalay dadkoo dhan meelkasta iyo waqti kasta. Markii nebigu(NNK) dhintay waxaa talada la wareegay Abuubakar Alsiddiiq oo dood badan ka dib la isku raacay inuu noqdo hoggaamiye. Wacyiga siyaasadeed ee markaa jirey iyo xaaladda dhaqan-dhaqaale ee bulshadii carbeed waqtigaa waxay doorashadaasi ahayd mid hufan, doorashadii labadii khaliif ee ku xigeyna khilaaf badani kama dhalan. Laakiin in hoggaamiyuhu awood buuxda yeesho, siduu doonana u maamulo dhaqaalaha iyo magacaabidda guddoomiye goboleedyada iyo jagooyinka kaleba waxay ahayd waxaan is weydiin lahayn. Dunida deriska la ahayd dhammantood waxaa xukumay boqorro aan hadal lagusoo celin. Awooddaasi xad dhaafka ah waxay ahayd tay muslimiintu ku garaadsadeen. Afartii khaliif ee hore waxa jirey Alle ka cabsi iyo dareen in hantida dadku wada leeyahay, markiise Umawiyiintu xukunka la wareegtay waxay u arkayeen inay tahay hanti iyagu leeyihiin,dadka kula muransanina inay ka kacsadaan bay rabeen ee ma dhaliilsanayn maaraynta Umawiyiinta. Cabbaasiyiintu raadkii Umawiyiinta ayey mareen haddaysan ka darraynba. Boqorkii cabbaasiga ahaa ee labaad Abuu Jacfar Almansuur waxaa laga weriyey inuu dadka maalin carrafo ugu khudbeeyey hadal uu ka mid ahaa; “War dadow waxaan ahay suldaankii Alle dhulkiisa,waxaan idinku maamuli tawfiiqdiisa iyo toosintiisa. Kayd-hayehiisa baan ahay, waxaanan wax ku qaybin dooniddiisa, waxaanan ku bixin idankiisa. Quful buu iiga dhigay,hadduu rabo wuu I furi, hadduu rabana waa i xiri…”. Hadalku meeshuu u dhacayaa waa in qofkii ka horyimaada xukunkiisa uu Alle ka horyimid, wuxuu sameeyana Alle sameeyey! Qolo kasta oo diin xukun ku raadsataana sidaas bay Alle isaga hormarin. Dhammaadkii waqtigii Umawiyiinta iyo bilowgii Cabbaasiyiinta waxaa bilowday xilliga la diiwaan geliyey fiqiga mad-habadaha, la uruuriyey axaadiista, xeerarka fiqigana la dhidbay. Culimmadu way ogeyd inaysan ka hadli karin xukunka kii naftiisa nacay mooyee. Heshiis aan qornayn buu noqday in culimmadu waxay rabaan oo kale ka doodaan laakiin aysan siyaasadda faragelin. Marar badan fatwooyinka madaxdu rabto ayaa shaar diineed loo gelin jiray. Axaadiis nebiga(NNK) afka loogu tiray oo qabiil ama qoys xukunka siiyey, qolo kalena u diiday, ama dardaaran inaan madaxda laga hor imaan wax kastoo ay sameeyaanna waa la weriyey. Taasaa keentay in weysada laga qoray kutub waaweyn oo badan,laakiin siyaasadda aan fiqiga lagu darin. Wahaabiyadu(Salafiyadu) markay ka hadlayso dawlad islaami ah waxay ka hadlaysaa mid u eg tii Cabbaasiyiinta iyo Umawiyiinta oo uu nin siduu doono ka yeelo dalkoo idil. Shardiga keliya ay ku xirayaan waa in la fuliyo xuduudda sida iyagu u arkaan in ay sax tahay, iyaguna xukunka qabtaan maadaama aysan cid kale muslim u aqoonsaneyn.Taasina waa musuqmaasuq shaar diineed loo gelyey, sida Almansuur. Taariikhdu horay bay usocotaa ee gadaal uma socoto,waana sunnada Alle ku abuuray dunida. Dawladihii Cabbaasiyiintu waa ka liiteen kuwa ugu xun ee maanta jira,in haddana la hiigsado iyadoo weliba diin laga dhigayo waa doqonnimo iyo diin la,aan wada socda. Sababaha keenay in muslimiintu ugu musuqmaasuq badan yihiin dunida waxay u badan tahay sababtaas ah in culimmadii ugu waaweyneyd ee mad-habaduhu sida Shaafici iyo raggii waqtigiisii ay aqbaleen madax musuqmaasuqa, culimmada islaamkuna intooda badani ma garan in adduunku is beddelay, intooda badanina ma laha aqoon dhaafsan fiqiga la xafidsiiyey. Sidaa awgeed waa dhif inaad maqasho wadaad dhaleecaynaya boobka xoolaha masaakiinta oo agoon badani ku jirto. Ma jiro haba yaraatee xoolo ka xun oo la boobo kuwa dadka ka dhexeeya diin ahaan,mana jiro dambi ka dhibaato badan musuqmaasuqa guud ahaan. Wahaabiyada hubaysan waxay kaloo meesha ka saartay in lala xisaabtamo madaxda dalalka muslimiinta ah waayo cadaadiska dadka iyo boobka hantida waxay sabab uga dhigayaan la dagaallan argagixiso, waana dhab in hanti badan la geliyo la dagaallankooda. Dawladahaas musuqmaasuqa ahi dhanka kale dan bay u yihiin wahaabiyada waayo waxay wahaabiyadu dadka kusoo jiitaan xumaanta madaxdaas. Labada qolo waa isu baahan yihiin oo mid kastaa kan kale kama maarmo. Haddii wahaabiyadu dagaalka joojiyaan madaxda muslimiinta waa lagusoo jeedsan. Haddii madax fiican la helana wahaabiyadu heli meyso waxay dhallinyarada ku duufsato. Gaashaanbuurtaas habaaran ayaa dalalkii muslimiinta ka dhigay meel laga qaxo ama silic loogu noolaado. Dalkeenna 30kii sano ee uu ahaa dal is-haysta waxaa musuqmaasuqu ugu yaraa sannadadii u dhexeeyey 1970-1975, waana waqtiga waxa ugu badani u qabsoomeen dalka. Dhismaha jidadka,tiyaatarrada, dekedaha, qoriddii Afka, tababarkii bareyaasha dugsiyada hoose, dhexe, sare, tallaalkii carruurta, habayntii jaamacadaha iyo mac-hadyada sare , badbaadintii dadkii abaaruhu naafeeyeen 1974kii iyo waxyaabo kale oo badan. Haddaynnu rabno inaynnu dhibaatada ka baxno, dunidana wax la qaybsanno waa inaynnu dhammaan la dagaallannaa musuqmaasuqa. Waa inaynnu ku taageernaa madaxda cudurkan kasoo horjeedda af iyo addin, dhaleeco iyo ceebaynna kala hortagnaa qof kasta oo aynnu ku tuhunno. Musuqmaasuqu waa cudurka inaka hortaagan inaynnu noqonno dad isku filan oo dunida sharaf ku leh, madaxda keliyihina wax kama qaban karto. Dagaal la mid ah kii gobannimo doonka waa in lagu qaadaa waayo waa gumeysi qarsoon oo foolxun. Wa Billaahi Tawfiiq W.Q: Cabdiraxmaan Cilmi Xaashi Email: Abdirahman.Elmi.Hashi@sshf.no Wardheernews.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid Share this post Link to post Share on other sites