Sign in to follow this  
Deeq A.

Ex Wasiir Cismaan Cabdilahi Saxardid Cadani AYAA GABYOO YIDHI

Recommended Posts

Deeq A.   

Ex Wasiir Cismaan Cabdilahi Saxardid Cadani AYAA GABYOO YIDHI

•Arimihii tolkaygiyo anaa diiday samahayga.

•Xisbinimo anaa aaminoo, caayayay ehelkayga.

•Ilmadayda anigaa u qubay mid aan abid ba loo aayin.

•Anigaa Waddani caasiyoo, reerka dhigay iilka.

Afkiisaa qamaan laga hayaa,dhaxal abwaankiye.

•Nin adeerki doorsaday,ilaah darojo siin waa.

•Duur baa idhaama iyo raagii,aaday ururkooda.

•Xubin layma waayine, anaan lay arxamahayne.

•Ubadkiisi baa galay, shirkii aniga lay diiday.

•Aqoontiisu ninkii ay hablaha,ku aflagaadootay.

•Cabdi Guri Barwaaqaha arlada,ceebta uga saaray.

•Hadii uu abaal jiro kursiga,uma siinaanee.

•Umadanaa qabiil lagu saliday,odayiyo reer reere.

•Xinif waan aqaanaa isagu,eed ba malahayne.

•Ina Kaahin igamuu xishoon, aaminkii dhimay.

•Isba wuu arkaayaye markii laygu orinaayay.

•Iyadoo Albaabkii Askari, igu ulaynayso.

•Iskabee Cadaawuhu,sidaan Aabihii dilay.

•wax kastoon ilaawaba,oo xumaan uurka kaba saaro•

•Abaalxumada Jeegaantan,baan abid i daynayne.

•Xirsigii yaqaanaan inkiray,diiday amarkiisa.

•Iska eega imisuu na yidhi, Muuse hawtagina.

•Inaadeerkay waatay kal hore,oof kajabiyeene.

•Waakaa ina Shabeel aramidii,ayda miranayaa.

•Xisbigani udaranaa aniyo oodankaan ahay.

•Waxba aniga ina Xaashiyoow,hay aleegadan.

•Anigaba ninbaa iigabaxay,waa afkii nacase.

•Waxan ahay Nin uur Jilicsanoo ,ooya oo naxa.

•Inkaartaydu way soconaysaa ,umal guhaankaygu.

•Isu ura ilaah baan baryoo,oodda wada jiidha.

•Hagbadiyo amaahda isku dila ,oo iswada eeda.

Abwaan Daaha Gaas

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this