Sign in to follow this  
Deeq A.

Video: “DF labo sano kadib Facebook iyo Twitter ayay difaac ka gashay”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirkii hore ee amniga C/risaaq Cumar Maxamuud ayaa ka hadlay xaaladaha amni ee Muqdisho iyo qaraxyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Wasiir C/risaaq oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo markiisii hore uu balanqaaday in labo sano gudahood Shabaab wadanka looga saarayo.

Wuxuu sheegay in labo sano kadib dowladda Soomaaliya ay difaac ka gashay baraha bulshada iyada oo la weerarayo siyaasiyiinta ka aragti duwan dowladda Soomaaliya, taasina ay caqabad ku noqoneyso amaanka dalka.

Isaga oo la hadlayay Dalsan TV ayuu sheegay in loo baahan yahay in qorshe ka duwan taasi ay la timaado dowladda madaxweyne Farmaajo, si loo badbaadiyo shacabka Soomaaliyeed.

Seddex balanqaad ayuu sheegay in madaxweyne Farmaajo inuusan fulinin, wuxuuna ku kale sheegay balamaha inay kamid ahaayeen:-

1 In Handida ku burburtay qarxyada shacabka laga taageerayo
2 In dhaawacyada la dabiibi doono
3 In Al Shabaab labo sano kadib laga saari doono Soomaaliya.

Ugu dabeyn wuxuu soo jeediyay in Al Shabaab wadahadal lala galo haddii ay baajineyso dhiiga shacabka Soomaaliyeed ee daadanaya maalin kasta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimad@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this