Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada NISA oo la wareegay madaxtooyada iyo xiisad ka taagan Cadaado

Recommended Posts

Deeq A.   

Cadaado (Caasimada Online)-Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Cadaado ayaa sheegaya in ciidamada Nabad sugidda Soomaalia NISA ay la wareegeen gacan ku heynta madaxtooyada magaalada Cadaado.

Ciidamada DANAB ayaa qeyb ka ahaa howlgalka ciidamada NISA ay kula wareegeen madaxtooyada magaalada Cadaado, waxaana hogaaminayay howlgalkaasi Cabdi Dheere oo ah Taliyaha NISA qeybta Galmudug.

Xarunta ciidamada NISA caawa la wareegeen waxaa horey gacanta ugu hayay ciidamo maleeshiyaad ah oo maamulayay tan iyo markii khilaaf uu soo kala dhex galay madaxda maamulka Galmudug.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in amarka ciidamada maleeshiyaadka ah looga saaray magaalada Cadaado ay bixisay dowladda Soomaaliya, iyadoo dhawaan la filayo inay magaalada Gaaraan madax ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Fiidnimadii caawa waxaa mararka qaar rasaas laga maqlayay xaafadaha kala duwan ee magaalada Cadaado, waxaana taagan xiisadda ka dhalatay arintaan, sida wararka ay sheegayaan.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Galmudug ee ku sugan magaalada Cadaado, iyadoo aysan jirin xal wali laga gaaray xiisadda cusub ee ka jirtay magaalada Cadaado.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this