Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo xog kale ka bixisay weerarkii dadka ku dhinteen ee Maka Al Mukarama

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Soomaaliya ayaa markale faahfaahin dheeraad ah ka bixisay weerarkii Al Shabaab ku qaadeen wadada Maka Al mukarama oo dad badan  ku dhinteen.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo saxaafadda kula hadlayay gudaha Hotel Maka Al Mukarama ayaa sheegay in khasaaraha soo gaaray rayidka ay ka xun yihiin.

Daahir Geelle, ayaa sheegay in Al Shabaab ay doonayaan inay niyad jibiyaan shacabka Soomaaliyeed, balse aysan ka yeeli doonin, isaga oo xusay in ciidamada amaanka ay ku raad joogaan dadkii wax ka ogaa abaabulka weerarkaasi.

Ajaaniib ka barbar dagaalanta Al Shabaab ayuu sheegay inay ka dambeeyaan fikradaha qaar oo dad badan oo Soomaaliyeed lagu xasuuqay isaga oo cadeeyay inaysan taasi aqbali doonin oo ay la dagaalamayaan.

“Ciidamada waxay ku howlan yihiin difaacidda dadka, dadka ma arkaan qaraxyada laga hortagay balse waxay arkaan kuwa dhacay oo kaliya, boqolaal laga hortagay ayaa jira, masuuliyadda khasaaraha nasoo gaaray waxaan u heysanaa Al shabaab, ama nolol ayaan kusoo qabaneynaa ama waan dileynaa”ayuu yiri wasiirka Warfaafinta.

Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in ciidamada gaarka ah ee dowladda ay ka qeyb qaateen badbaadinta shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana ra’iisul wasaaraha dalka uu balan qaaday dhaqaalaha ku baxa badbaadinta Shacabkii dhaawacmay in xukuumadda ay bixineyso, sida uu sheegay wasiirka.

Wuxuu dhinaca kale soo hadal qaaday sababaha ciidamada amaanka ay ugu dambeyntii u go’aansadeen inay u dhacaan gurigii Al Shabaab ay ku qaldameen, wuxuuna sheegay inay doonayeen inay shacabka badbaadiyaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this