Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Ganacsiga oo ka hadlay madaafiic hoobiyeyaal ku soo dhacay Xarunta Wasaaradda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Wasaaradda ganacsiga iyo Warshaddaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xayir Maareeye ayaa ka hadlay Hoobiyeyashii maanta kusoo dhacay xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya iyo Wasaaradda Ganacsiga.

“Kooxaha argagixisada iyo nabaddiidku dib uma celin karaan rajada aynu ka qabno in aynu helno Nabad iyo Nolol fiican, waxay doonayaan in ay rajo beel inaga dhigaan oo hakiyaan horumarka, Ganacsiga, Maalgashiga iyo yididiilada jirta, ka yeeli mayno waana la ciqaabi doonaa argagixisada insha allah”ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Madaafiicda hoobiyeyaasha oo gaarayay ilaa shan ayaa ku kala dhacay gudaha iyo hareeraha Xarunta Madaxtooyada, waxaana madfac ka mid ah uu ku dhacay Xarunta Villa Hargeysa ee Xafiiska Guddoonka Baarlamaanka.

Hadalka Wasiirka ayaa yimid xilli Madaxtooyadda Soomaaliya hoobiyeyaal maanta lagu weeraray  kuwaasoo kula  dhacay  Xarunta Villa Hargeysa, gaar ahaan xafiiska Guddoomiye kuxigeenka 1aad, xafiiska Guddiga doorashooyinka iyo Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshaddaha Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka madaafiicda ee ku qaaday Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, waana weerarkii labaad oo Al-Shabaab ka fuliso Muqdisho labo maalin, kaddib weeraro ku bilowday qaraxyo oo habeenkii khamiistii ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this