Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaafiic Hoobiyeyaal Ah Oo Lagu Weeraray Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Tiro Madaafiic Hoobiyeyaal ah ayaa ku soo dhacay nawaaxiga Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, oo ay degan yihiin Madaxda dowladda iyo qaar ka mid ah Hey’adaha dowladda.

A-1-696x522.jpg

Illaa iyo 5 Hoobiye ayaa ku soo dhacay Xaafadaha ka dambeeya Madaxtooyadda Soomaaliya ee 15-ka May iyo Xaafadda Caga Dhiig oo ka tirsan degmada Warta nabada.

Madaafiicda qaar waxey ku dheceen dhismaha xarunta Wasaarada Ganacsiga iyo Warshahada Soomaaliya oo ku taalla dhabarka dambe ee tiyaatarka qaranka, halkaas oo lagu kala cararay marka ay madaafiicda soo dheceen.

Saraakiil katirsan laamaha ammaanka ayaa ku baxay goobaha laga soo tuuray madaafiicda oo ay ku sheegeen in dhanka Dayniile laga soo riday.

Lama oga khasaraha ka dhashay madaafiicda, waxaana dadka ku dhaqan nawaaxiga Madaxtooyada soo wajahay cabsi ku aadan madaafiicda soo dhacay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this